Ogaal-nafeed ( self-awareness)

 Inta aana qeexin ogaal-nafeed bal aan  isyara waydiino maxaw yahay ogaal-nafeedka faa'iidadiisa iyo sababaha ugu baahanahay ogaal-nafeed.







و في انفسكم افلا تبصرو ن 

 Tafaasiir caamka ah ay dhagaheena maqlaan waxaa waaye ( naftiina amaana arkeenin sida aad u abuuran tihiin). 

Qofka wuxuu ka koowan yahay aduunyo dibadeed iyo mid gudeed. Marka miyaadan lahayn ogaal-nafeed ?

Waa maxay ogaal-nafeed 

Ogaal-nafeed: waa lahaanshiyaha awooda ruuxa naftiisa hoose ugu warhayn karo, ugu waraysan karo, waxna iska waydiin karo, iskana war-celin karo, qeexi karo dareemahiisa meesha ay kasoo burqanayaan, baahiidiisa inta ay sii diran yihiin iyo salka ay ku fadhiyaan.







Ogoow gudahaada waa kaydka dareema-haada, xasuusa haada, loolan kaada iyo ladnaan-shiyahaada intaba.

Sababta ugu baahanahay ogaal-nafeed 

Marar badan waxaa dhacda in dabeelaha ay daruufaha nolosha kiciyaan gudahaaga ay daboolaan oo waa adiga dhacdo kasta la falgalay ee dabeecad ka tushay.

Shalay haday qalbi jab iyo qiyaano kugu dhacday ee durbaba shaki ku galay oo cidkasta oo kaa ag-dhaw aad ka shakiday. Aduunyadaada dibadeed waxa ka dhacaya waxay dabooli karaan ee samayn ku yeelan karaan qof nimadaada, aduun wanaagaada, dabacsinidaada, daryeelkaada intaba way aasi kartaa, intaa kadib waxaad noqon kartaa qof ku suntan hadba wajiga nololeed marxaladaa xligaa ku jiro. Waxaad noqon kartaa qof ahaan ka guulaysta kadeed kasta oo soomara kabo ka tusha, waa sababta ay muhiim u tahay inaa ogaal nafeed yeelano.

Maxay tahay faa'iidada inoo leeyahay ogaal-nafeedka 

Illahay ( SWT) Marka ina abuuray anakoo fidra saliim ah ayaw nagu abuuray, fidra iimaanka kaliya maaha, marka la joogo positive psychology waxaa waaye qofka laxaw-diisa ( emotions), dareen kiisa ( feeling) iyo gudihiisa oo nadiif ah ayuu dhashay, lakiin dabeecada qalaf-sanaanta, adeega, xasidka waxaas oo dhan waxaa dhaxal siiya waxyaabha dibatiisa ka dhacaya qofna waa qof ogaal-nafeed leh oo lasocda waxa dhacaya oo marwalba naftiisa ay qeexayso oo kala saara ahaan shiyahiisa qofeed iyo dhacdada markaas ku dhacday oo dhaha aniga shalay waa liiga xanaajiyay ee maahi qof dabeecad xun, waa in qofka kala saari karo wixi ka dhacay iyo asigoo ahaan shiyahiisa waxa uu yahay garanaayo waa sababta ay naftaada muhiim ugu tahay ogaal-nafeedka.

Naf-ogaalku waxa uu kaa caawinayaa inaad gudahaada dib u quusi- karaysid intaad qalin qaadatid aad iswaydiin kartid hada maxaa dareemayaa waliba waqtiga aad qormadaan aad akhrinayso ma waxaad dareemaysaa caro misa farxad, ma ciil baad dareemaysaa iyo calool yaw ama xamaasad iyo xiisad ama samir la'aan iyo sugid la'aan isaa meeyay. Marka su'aalahas si daacad ah ugu jawaabtu waxaa sifudud u falkin kartaa qotada dareema haaga inta ay sii ridan yihiin waxaad taaban kartaa jiri-dooda dhab ahaanta jiri taan kooda, markasta naf-ogaalka bato waxaa kuu fududaanaya inaad dareema haada maaraysid. Maaraynta dareema haada waxay ku dhaxal siinayaan in xariiro waanaag sanaadaan, inaad samaysato xuduudo caafimaad qaba oo idinka dhaxeeya adiga iyo dadyawga kale. 

Uga danbayn waa inaad ogaatid oo ku baraarugtid adiga waxa gudahaada ku jira. 

Comments

  1. Hadii aad qormadaan aqrisay waad ku mahadsantahay, halkaan inooga rayb wixi talo iyo tusaala ah, jazakallah khair.

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid sida wanagsan eed qormada dhirigalinta ah iskugu hawshay kuwo kale oo badana waanu ka sugaynaaa

    ReplyDelete
  3. More thanks Hafsa jiqin zxp Qali ah ogalka Naga maqana ood no fa,ideysay.

    ReplyDelete
  4. Mahadsanid abyo waxaa nala wadaagtay mawduuc aad u muhiimsan, waana kugu dhiiri galinayaa in aad halkaa ka sii wado wax qorista iyo baraarujinta.

    Guulayso Hafsa👏

    ReplyDelete
    Replies
    1. Adaa mudan maria, aad iyo aad mahadsantahay maryan.

      Delete
  5. Masha Allh Mss Jiqin you did a needable job. So that keep up your work!

    ReplyDelete

Post a Comment